Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Khamiista, ayaa wakiilo ka socda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku kulmi doona magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare
Xamsa Cabdi Barre, Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, Madaxweynaha
Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye
QoorQoor ayaa dhammaan goob joog ka ah kulanka. Madaxweynaha Jubbaland Axmed
Madoobe ayaa isna la filayaa inuu maanta yimaado.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni,
ayaan ka qeyb geli doonin shirka. Puntland ayaa 9-kii bishii Janaayo ku
dhawaaqday in ay hadda u dhaqmayso sidii dowlad madax-banaan, waxayna ku
eedeysay dowladda federaalka inay isku dayeyso inay dib ugu noqoto maamul
federaal ah sida ay warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay.
Sida uu sheegay Siciid Deni, wuxuu diiday inuu
ansixiyo labo dukumeenti, sababtoo ah waxay ka soo horjeesteen federaalaynta
shirkii ugu dambeeyay ee Golaha wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Bilihii lasoo
dhaafay waxaa soo ifbaxayay xiisado u dhaxeeya Muqdisho iyo Puntland oo salka
ku haya qeybsiga mas’uuliyadaha dowladda, garsoorka iyo amniga.
Mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin
doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, amniga dalka, siyaasadda iyo
dhaqaalaha ayaa lagu soo qaadi doonaa shirka golaha wadatashiga qaran. Ajandaha
kulanka ayaa waxaa xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta ee dalka, Daa’uud Aweys.
Tan iyo markii Madaxweyne Maxamuud loo doortay inuu
noqdo Madaxweynaha Qaranka 15-kii May, 2022, Golaha Wadatashiga iyo Toosinta
Qaranka waxa ay shireen shan jeer.
Comments
Post a Comment