Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga iyo Xasan
Sheekh Maxamuud, ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, amniga,
ganacsiga, iyo iskaashiga wax soo saarka leh.
Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu
hanweyn kaalmada ay u fidiyeen walaalahooda Turkiga xilliyada adag. Soomaaliya
iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo xooggan.
#PICTURES: President @HassanSMohamud arrived in #Ankara on a two-day official visit. During the visit, the President will hold high-level bilateral talks with his counterpart to further enhance the historical relations between the two brotherly countries.#Somalia pic.twitter.com/oqCmKePLpC
— SNTV News (@sntvnews1) July 3, 2022
Comments
Post a Comment