Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay qiray in colaadda Laascaanood tahay mid nasiib-darro ah oo aan la filayn, inkasta oo culaysyo heer gobol iyo heer caalami ah, ay xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii loo heli lahaa xal nabadeed.
Ka dib rabshado ka dhacay magaalada Laascaanood ee
lagu muransan yahay, ayaa odayaal ka soo jeeda gobolka Sool waxay 6-dii
February ku dhawaaqeen inay dhisteen maamul-goboleed ay ka taliyaan Soomaaliya
halkii ay Somaliland ka talin lahayd. “Waxa aanu qabnaa in Somaliland ay
haysato furaha mushkiladda, waa dad ay dawladdu leedahay oo reer Somaliland ah,
waxay u baahan yihiin in la maqlo, dawlad ahaana waanu u diyaargarownay” ayuu
yidhi.
Sida ay sheegtay Somaliland, ciidamadeedu waxay
dagaal kula jiraan "Kooxaha argagixisada caalamiga ah oo qorsheynaya inay
qalalaase iyo xasilooni darro ka abuuraan Laascaanood" Waxa ay soo saartay
digniin ah in ammaanka deegaanka uu halis ku yahay qalalaasaha ka taagan
magaalada Laascaanood.
Odayaasha Laascaanood ayaa sheegay in aanay
Argagixiso ahayn, isla markaana ay 45 qof u doorteen inay noqdaan dawladda
hoose. Waxayna Somaliland ku booriyeen inay ciidamadeeda kala baxdo. Iyadoo ay
taasi jirto ayaa Madaxweyne Biixi Cabdi waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay
in heshiis la gaadhi doono, waxaanu soo dhawaynayaa cid kasta oo gacan ka gaysanaysa
nabadaynta magaalada.
Hase-yeeshee, Madaxweyne Biixi Cabdi waxa kale oo uu
ku nuux-nuux saday in inkasta oo uu dhawaan u kordhiyey laba sannadood oo
dheeraad ah, haddana uu sharcigu dhigayo in Madaxweyne cusub la doorto shantii
sannadoodba mar. Waxa uu guddida ka sugayaa in ay soo bandhigaan qaabka iyo
wakhtiga doorashada.
Saddexda xisbi muddo xileedkoodii wuu dhammaaday,
ilaa inta dib loo dooranayo ma awoodaan inay doorasho galaan. Toban urur ayaa
diyaar u ah inay ku soo baxaan xisbiyo rasmi ah, ayuu raaciyay.
Comments
Post a Comment