Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Dowlad
Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay
Saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo uu horkacaayo Wakiilka Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobey James Swan. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arimaha
Doorashooyinka iyo Mashaariicda Hormarineed ee ka socda Deegaanada Koonfur
Galbeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen
ayaa uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan
dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa ka hor kulankan waxaa uu kulan looga hadlayay doorashada Soomaaliya uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Comments
Post a Comment