Dagaal ulus ayaa kadhacey gobolka
shabeelada dhaxe ee barriga magaalada Jowhar kaas oo u dhaxeeya Ciidanka dalka
xooga iyo Alshabaab wararka waxey sheegeen in Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal
ugu dhaqaaqay deegaanka Warta Jilible oona iska caabin xoog leh ugala horyimid
maleeshiyada Al Shabaab, oo doonayay inay difaacdaan gacan ku haynta
deegaankaasi. Intii uu dagaalku socday maleeshiyaad kale oo Shabaabka ka tirsan
ayaa weeraray deegaanka War Ciise, oo bilowgii toddobaadkan ay la wareegeen
Ciidanka Xoogga Dalka. Dagaalka ayaa gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba
isugu jira oo labada dhinac ah, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Militariga. Tiro
ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka oo uu ku jiro
Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gorgor,
Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax ayaa lagu dilay dagaalka. Korneyl Cali
Xaashi, Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen
70 ka mid ah mintidiinta Al Shabaab. Afhayeenka oo la hadlay Idaacadda Codka
Ciidamada ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegeen gacan ku haynta
deegaanka Warta Jilible. Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee ka
dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii ay Ciidanka Xoogga Dalka ka
bilaabeen gulufka militari ee ka socda. Hawlgalkan oo bilowday dhammaadka
toddobaadkii hore ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General
Odawaa Yuusuf Raage, waana hawlgal ka duwan hawlgaladii hore ee gobolka laga
waday.
Comments
Post a Comment