Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Middowga Musharaxiinta Soomalia oo kukala aragti duwanadey dib u habeynta guddiyada doorashooyinka.

 Middowga Musharaxiinta Soomaaliya oo kukala aragti duwanadey dib u habeynta guddiyada doorashooyinka.

Dib u habeynta guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo ay ku aragta bedelanaaden midowga musharaxiinta Soomaaliya. Musharaxiinta sida Cabdiraxmaan Cabdishakur iyo Cabdikariin Guuled ayaa muujiyey kala aragti duwanaanshahooda, Cabdikariin wuu soo dhoweyey gudiga dib u habeynta, halka Cabdiraxmaan kusifey in ay sharci darro yihiin. Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa bartiisa Facebook kuso  daawacey hadalkan "Turxaan bixinta tabashada Guddiga doorashooyinka waa in ay martaa habraac hufan, daahfuran, dhexdhexaad ah si loo gaaro natiijo doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. Hadafkeenu afartii sanno ee tagtay wuxuu ahaa in aan dalka majarihiisa iyo hannaankiisa dimuqoraadiyad la weecin. Wixii aan Farmaajo ka diidnay, Rooble ka yeeli mayno".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  oo Shir jaraa'id uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in hab aan caddaalad ahayn loo maray turxaanbixinta guddiga.

"Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Midowga Musharraxiinta aanan laga talogelin markii la sameynayay turxaanbixinta.

"Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha. Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay." Ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay Ra'iisul Waasaare Maxamed Xuseen Rooble, in wax laga qabto cabashada ay qabaan. Guddigii uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya u saaray xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo mid dawlad 

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaadan madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisulWasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u safray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axadii, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. pic.twitter.com/vCMsJU3u2I — SomaliPM (@SomaliPM) January 30, ...

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Raisul wasaaraha oo kullan la yeeshey wefdiga DFS ee Hague kusugan si hab fogaan araga ah.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay wafdiga Dawlada Federalka Soomaliya si hab fogaan araga ah , ayaa ku dhiira galiyay wefdiga ka  qeyb galaya ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee dacwadda badda, isagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed guul. Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/ARra5mKTmQ — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 10, 2021 ''Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya''. ayaa Mahdi Maxamed Guuleed,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  kuyiri bartii...

Guddiga Gaadiidleyda iyo Ganacsatada oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Magaalada Baydhabo kula kulmay Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.  Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed looga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ay gaadiidleyda ku qabaan adeegsiga wadooyinka. Xubnaha Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujiyay lacagaha aan sharciga ahayn ee gaadiidka ganacsiga looga qaado wadooyinka. Cabdikariin Cabdulle Bariise (Gambo) oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa geba-gabadii kulankaasi ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka. “Anagoo uga soo safarnay Magaalada Muqdisho, rabna-na gaadiidka dhibaatada haysata illaa Gedo inaan u aadno wuxuu Madaxweynaha noo ballanqaaday dhibaatada gaadiidka wadadaasi marta ee lacagta looga qaado wax kastoo uga baahanahay inuu wax ka qabanayo, soona dhaweynayo gaadiidka Soomaaliyeed ee wadadaas mara inaa...

Privacy Policy