Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Khataraha Ururka Muslim Brotherhood ee Amniga Qaranka Faransiiska

  Sanadihii u dambeeyey, Ururka Muslim Brotherhood ayaa noqday khatar weyn oo aamusnaan ku socota oo halis ku ah midnimada iyo amniga Jamhuuriyadda Faransiiska. In kasta oo badanaa loo arko urur diimeed ama bulsho, haddana waxqabadkooda Faransiiska ayaa muujinaya istiraatiijiyad dheer oo qorsheysan oo lagu dhex-galayo hay’adaha muhiimka ah, lagu maamulo bulshooyinka jilicsan, laguna wiiqo aasaaska Jamhuuriyadda oo ku dhisan kala soocidda diinta iyo dowladnimada. Khatar Aamusnaan iyo Mudo Dheer Ah Ururka Muslim Brotherhood maaha sida ururada argagixisada oo kale oo weerar toos ah ku qaada, balse waxay adeegsanayaan hab-dhaqan jilicsan oo dhex-gal bulshada ah. Halkii ay isticmaali lahaayeen hub iyo rabshado, waxay ku faafiyaan aragtiyo iyo saameyn siyaasadeed iyagoo ka faa’iideysanaya xorriyadaha dimuqraadiyadda iyo hay’adaha madaniga ah si tartiib tartiib ah loogu wiiqo midnimada Jamhuuriyadda. Istiraatiijiyaddoodu waa mid muddo dheer qaadata oo aamusnaan ku socota. Ka Faa’iidaysiga...

Middowga Musharaxiinta Soomalia oo kukala aragti duwanadey dib u habeynta guddiyada doorashooyinka.

 Middowga Musharaxiinta Soomaaliya oo kukala aragti duwanadey dib u habeynta guddiyada doorashooyinka.

Dib u habeynta guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo ay ku aragta bedelanaaden midowga musharaxiinta Soomaaliya. Musharaxiinta sida Cabdiraxmaan Cabdishakur iyo Cabdikariin Guuled ayaa muujiyey kala aragti duwanaanshahooda, Cabdikariin wuu soo dhoweyey gudiga dib u habeynta, halka Cabdiraxmaan kusifey in ay sharci darro yihiin. Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa bartiisa Facebook kuso  daawacey hadalkan "Turxaan bixinta tabashada Guddiga doorashooyinka waa in ay martaa habraac hufan, daahfuran, dhexdhexaad ah si loo gaaro natiijo doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. Hadafkeenu afartii sanno ee tagtay wuxuu ahaa in aan dalka majarihiisa iyo hannaankiisa dimuqoraadiyad la weecin. Wixii aan Farmaajo ka diidnay, Rooble ka yeeli mayno".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  oo Shir jaraa'id uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in hab aan caddaalad ahayn loo maray turxaanbixinta guddiga.

"Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Midowga Musharraxiinta aanan laga talogelin markii la sameynayay turxaanbixinta.

"Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha. Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay." Ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay Ra'iisul Waasaare Maxamed Xuseen Rooble, in wax laga qabto cabashada ay qabaan. Guddigii uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya u saaray xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo mid dawlad 

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh oo Magacaabay Lataliyaha Arrimaha Shidaalka iyo Ergayga Gaarka ah ee Ganacsiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa u magacaabay Mudane Khadar Cabdiraxmaan Maxamed in uu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah iyo Mudane Axmed Cali Yuusuf oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska. Madaxweynaha oo labadan nin ku soo xushay aqoontooda iyo xirfaddooda shaqo, ayaa kula dardaarmay inay si wanaagsan uga qayb qaataan istiraatijiyadda dawladda ee ku aaddan isku filnaansho Soomaaliyeed, si looga gudbo caqabadaha sida faqriga iyo abaaraha, kuwaas oo si weyn u wiiqay qaranka. President @HassanSMohamud has on Wednesday appointed Ahmed Ali as President’s adviser for Gas and Oil resources. Also the President has appointed Khadar Abdirahman as Special Envoy for Trade and Investment. #Somalia pic.twitter.com/Rq7FX40UdA — SNTV News (@sntvnews1) August 31, 2022 Arbacadii, Ogosto 31, 2022, markii lagu daabacay faafinta rasmiga ah ee dowladda, waxa dhaqan galay wareegtad...

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay madaxda iyo saraakiisha ciidamada Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha DowladdaFederalka Somaliya , ayaa xalay ku hoyday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, xilli uu shalay socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. Si loo dardar geliyo ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug. Shalay ayuu Madaxweynaha Soomaaliya khudbad ka jeediyay fagaarayaal ku yaalla Maxaas, Baxdo, iyo Wisil oo ka kala tirsan Hiiraan , Galgaduud iyo Mudug. Khudbadiisa ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladda lagu gaarsiinayo degmooyinka ay dadka uga dulqaadeen kooxda Al-Shabaab . Waxa uu sheegay in qorshahaan laga fulin doono Hiiraan, Galgaduud, iyo Mudug. I visited Mahaas district in #HirShabelle today to thank the brave #SNA soldiers & local communiti...

Advance but No Deal: Talks between Ethiopia and Somalia in Turkey

Significantly for East African diplomacy, the second round of Turkish-mediated negotiations between Somalia and Ethiopia concluded in Ankara on August 13, 2024, without a definitive deal. Officials from both nations and Turkey claim that despite this, the conversations made clear development. The focus of the debates is on a controversial port agreement Ethiopia signed in January 2024 with the self-declared sovereign nation of Somalandon. Relations between Ethiopia and Somaliland have been seriously strained by the deal wherein Ethiopia leases 20 kilometers of Somaliland's coastline in exchange for acceptance of Somaliland's independence. Viewing Somaliland as a part of its sovereign territory, Mogadishu denounced the agreement as unconstitutional, ejecting the Ethiopian ambassador and threatening to pull Ethiopian forces supporting Somalia out of the front lines against Islamist militants. Unlike past diplomatic interactions, the Ankara negotiations were conducted indirectly v...

Madaxweynaha ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Finland u soo magacawday Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirka Tapiola, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka.  Mudane Tapiola, Safiirka Finland ayaa u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, wuxuuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Finland, kaasoo ku dhisan iskaashi iyo wada-qabsi.  Danjire Tapiola ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ballaaran ee ay ku tallaabsatay, wuxuuna Madaxweynaha uga warbixiyay dadaallada uu ugu jiro sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Safiirka cusub uga...

Privacy Policy