Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa. Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin: in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...
Raisul Wasaaraha XFS iyo Cabdi Kaariye QoorQoor oo booqday askarti iyo rayidki kudhawacmey weerarki Alshabaab.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay iska caabinta weerar argagixisada Alshabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.
Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhaqaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Alshabaab ee deegaankooda soo weeraray.


Comments
Post a Comment