Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo. Raisul Wasaaraha ayaa magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee doorasho xilligeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, kuna saleysan heshiiskii 27-kii May.
Kooxdan ayaa xiriirin doonta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.
Comments
Post a Comment