Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...
Shirkii Toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo uu maanta shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa Agaasimeyaasha iyo La-taliyeyaasha ba laga dhagaystay war-bixinno la xidhiidha hawlaha shaqo ee Wasaaradda gaar ahaan Habka Onlaynka ee Diiwaan-gelinta iyo Bixinta Laysamada Shirkadaha Ganacsiga iyo barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga kuwaasi oo ahmiyad weyn u leh fududeynta iyo horumarinta Ganacsiga dalka.
Shirka oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Agaasimaha Guud Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa loogga hadlay wax-qabadkii Wasaaradda iyo weli ba qorsheyaasha shaqo ee ay hiigsanayso inay gaadho Lix biloodka dambe.

Comments
Post a Comment