Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciyaartoyda, wuxuuna qaraxa ku eedeeyay Al-Shabaab. Wuxuu bartiisa Facebook ku qoray: "Al-Shabaab waxaa ka go'an in ay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida dhalinyarada, aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa in ay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed."
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaadan madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisulWasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u safray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axadii, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. pic.twitter.com/vCMsJU3u2I — SomaliPM (@SomaliPM) January 30, ...



Comments
Post a Comment