Howlgal qorsheysan ayaa lagu dilay Horjooge Maxamed Cabdi Suubiye oo katirsan horjoogayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab.
Ciiddamo gaar ah oo ka tirsan Xoogga Dalka ayaa xalay degaanka Daarusalaam oo hoos taga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay Horjooge Maxamed Cabdi Suubiye oo katirsan horjoogayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab, kaasi oo magaciisa afgarashadu ahaa (Toosoow).
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa TV-ga Qaranka u sheegay in Howlgal qorsheysan oo ujeedkiisu ahaa Khaarijinta dhagar qabahaan iyo ka hortaga dhagarta Argagixisada uu cutub ciidanka ka tirsan ka fuliyay aagga Masaajid Cali Gaduud isla markaana laga gaaray hadafkii laga lahaa.
Comments
Post a Comment