Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Magaalada Baydhabo kula kulmay Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed. Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed looga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ay gaadiidleyda ku qabaan adeegsiga wadooyinka.
Xubnaha Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujiyay lacagaha aan sharciga ahayn ee gaadiidka ganacsiga looga qaado wadooyinka. Cabdikariin Cabdulle Bariise (Gambo) oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa geba-gabadii kulankaasi ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka.
“Anagoo uga soo safarnay Magaalada Muqdisho, rabna-na gaadiidka dhibaatada haysata illaa Gedo inaan u aadno wuxuu Madaxweynaha noo ballanqaaday dhibaatada gaadiidka wadadaasi marta ee lacagta looga qaado wax kastoo uga baahanahay inuu wax ka qabanayo, soona dhaweynayo gaadiidka Soomaaliyeed ee wadadaas mara inaanan dhibaato lagu sameynin, amni ahaan iyo dhaqaale ahaana uu wax uga qabanayo.” Ayuu yiri Cabdikariin Gambo.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan ku ballananay wax alaale wixii uga baahanahay dokumenti ahaan inaan ugu keeno, haddii Ilaahay yiraahdo berritana aan u keyneyno.” Gambo ayaa intaa ku daray “Madaxweynaha wuxuu noo ballanqaaday inay noo furan tahay Madaxtooyada, noo furan tahay meel kastoo uu jooggo. Waan soo dhaweyneynaa, waxaana rajeyneynaa ballanqaadkaas inuu fulo, sida ugu dhaqsida badan.”
Comments
Post a Comment