Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Warshadda Internetka ee Imaaraadka Carabta: Kor u qaadista Madaxbannaanida Dijitaalka ah iyadoo la adeegsanayo AI

  Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u bilaabay hindise cusub oo ku saabsan amniga internetka oo ku shaqeeya AI si loo xoojiyo madaxbannaanideeda dijitaalka ah ee qaranka. Iyada oo la soo bandhigay intii lagu jiray bandhigga shanaad ee Make it in the Emirates ee ka dhacay Abu Dhabi, Warshadda Internetka ee Imaaraadka Carabta waa iskaashi istiraatiiji ah oo tiknoolajiyad sare leh oo u dhexeeya Golaha Amniga Internetka ee Imaaraadka Carabta iyo CPX Holdings. Nidaamka deegaanka cusub wuxuu naqshadeyn doonaa, dhisi doonaa oo ballaarin doonaa barnaamijyada iyo nidaamyada amniga internetka ee horumarsan ee maxalliga ah   Waa maxay hindisaha cusub ee Warshadda Internetka ee Imaaraadka Carabta? Hindisahan waa mashruuc difaac oo horumarsan oo loogu talagalay in lagu dhiso nidaam internet oo madax-bannaan oo mustaqbalka diyaar u ah. Iyada oo adeegsanaysa injineernimada maxalliga ah iyo hal-abuurka AI, waxay higsaneysaa inay sugto kaabayaasha dijitaalka ah ee muhiimka ah ee qaranka si ...

Madaxweynaha Puntland iyo QM oo ka wada hadlay doorashada aqalka sare.

    


 Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdiga la socday.

    Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladiihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Sare oo maalmaha soo socda si rasmi ah uga bilaaban doonta dalka. Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Anita Kiki Gbeho ayaa ka wada arrinsaday taageerada

    Qaramada Midoobay ee ku aadan Mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Puntland.Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Privacy Policy