Sudan waxa uu wajahaya xaalad bani'aadamnimo oo sii xoogeysanaysa, taasoo si joogto ah u soo ifbaxaysa indhaha dunida. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu xanuunka badan ee la ogaaday waa isticmaalka hubka kiimikada ee ciidamada Suudaan ay ku isticmaaleen dadka rayidka ah, taasoo ah xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isla markaana ay si weyn uga hadleen ururada caalamiga ah iyo warbaahinta. Maqaalkii ugu dambeeyay ee The New York Times ayaa iftiimiyay xanuunka, isagoo muujinaya xaqiiqada nolosha ee hoos timaadda hoggaaminta Abdel Fattah Burhan, oo ah madaxda golaha militari ee Suudaan, iyo Ahmed Abdullah, oo mas'uul ka ah warshadaha militari ee Suudaan. Hubka Kiimikada iyo Xasuuqii Wad Madani Hubka kiimikada ayaa caan ku ah awoodda uu u leeyahay inuu si aan kala sooc lahayn ugu faafiyo waxyeello ba'an, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta caafimaadka bini'aadamka. Isticmaalka hubka kiimikada ee ciidamada Suudaan ayaa ah xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamig...
Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaan jiray Al Shabaab , haddana ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay garab istaagaan dowladdooda iyo ciidankooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in haddii taasi la sameeyo ay joojineyso weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka. Wasiir Roobow oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dar daarmay cid walba in ay iska kaashadaan sidii ay naftooda iyo maalkooda u difaaci lahaayeen, si loola dagaalamo Al-Shabaab. Shacabka Hiiraan iyo Galmudug ayuu ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay. Habeenimadii Axadda ayaa Wasiirka iyo Culimaa’udiinka kale oo ka hadlay Barnaamij ka baxay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed waxay cambaareeyeen weerarkii Xayaat, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof, 117 kalena ay ku dhaawacmeen. Habeenimadii Jimcaha, argagixisada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho, kaasoo ku bilowday laba ...
Comments
Post a Comment