Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmay Saraakiisha Booliska Jubbaland, ka dib kormeer uu ku tagay Saldhigga Dhexe ee magaaladaasi.

Taliyaha ayaa Saraakiisha Booliska Jubbaland kala hadlay xaqiijinta nabadgelyada shacabka iyo masuuliyiinta ka qaybgelaya doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka ee lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Sadiiq Maxamuud Dhogor oo geba-gabadii kulankaasi la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kormeerka uu Taliyuhu ku sameynayo xarumaha hay’adaha ammaanka ee magaaladaasi.

“Waan ku faraxsanahay booqashada uu noogu yimid Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, oo kormeer ku samayn doono dhammaan Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland, xarumihiisa, saldhigyadiisa iyo qaabka ay u shaqeynayaan.” Ayuu yiri Dhogor.

General Xijaar oo isna hadlay ayaa bogaadiyay Taliska Qaybta Booliska Jubbada Hoose, isagoona sheegay inay wada shaqeeyaan Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

“Waxaan u nimid oo fiirineynay xaaladda guud ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliska Jubbaland, sidaad ka warqabtaan dalkan dhawaan waxaa ka dhici doona doorasho, qayb ahaan waxay ka mid tahay inaanu soo hubino oo soo eegno Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jubbaland, siduu diyaarka ugu yahay hirgelinta doorashada.” Ayuu yiri General Xijaar.

Jananka ayaa intaa ku daray “Ciidanka Booliska meel kasta oo uu ka jooggo Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ama Dowlad Goboleedyada waxaa xukuma Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna ka talo qaataan oo ka wada shaqeeyaan, dembiiluhu si uusan meelna ugu gaban dalka gudahiisa.”

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaadan madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisulWasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u safray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axadii, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. pic.twitter.com/vCMsJU3u2I — SomaliPM (@SomaliPM) January 30, ...

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Raisul wasaaraha oo kullan la yeeshey wefdiga DFS ee Hague kusugan si hab fogaan araga ah.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay wafdiga Dawlada Federalka Soomaliya si hab fogaan araga ah , ayaa ku dhiira galiyay wefdiga ka  qeyb galaya ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee dacwadda badda, isagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed guul. Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/ARra5mKTmQ — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 10, 2021 ''Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya''. ayaa Mahdi Maxamed Guuleed,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  kuyiri bartii...

Guddiga Gaadiidleyda iyo Ganacsatada oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Magaalada Baydhabo kula kulmay Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.  Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed looga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ay gaadiidleyda ku qabaan adeegsiga wadooyinka. Xubnaha Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujiyay lacagaha aan sharciga ahayn ee gaadiidka ganacsiga looga qaado wadooyinka. Cabdikariin Cabdulle Bariise (Gambo) oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa geba-gabadii kulankaasi ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka. “Anagoo uga soo safarnay Magaalada Muqdisho, rabna-na gaadiidka dhibaatada haysata illaa Gedo inaan u aadno wuxuu Madaxweynaha noo ballanqaaday dhibaatada gaadiidka wadadaasi marta ee lacagta looga qaado wax kastoo uga baahanahay inuu wax ka qabanayo, soona dhaweynayo gaadiidka Soomaaliyeed ee wadadaas mara inaa...

Privacy Policy