Guddiga hirgelinta doorashada Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shaaciyay qabashada doorashada qaar kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee shaaciya deegaan Doorashada labaad ee loogu tala galay in ay ka dhacdo doorashada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
13- Kursi oo taalla
magaalada Baraawe ayaa lagu waddaa in doorashadooda la qabto todobaadka soo
socda sidda ay shaaciyeen guddiga.
The State Elections Implementation Team of #Southwest has released 13 seats to House of People that will be elected from #Barawe town in Lower Shabelle region. Barawe is second election location in the State.#Somalia pic.twitter.com/YrUovE1Qwr
— SNTV News (@sntvnews1) January 28, 2022
Comments
Post a Comment