Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Madaxda Warfaafinta XFS oo diray hambalyo ku aadan Xuska 21-ka Janaayo.

Madaxda Warfaafinta XFS oo diray hambalyo ku aadan Xuska 21-ka Janaayo
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Xayir Ducaale ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaska wargeeska dalka, dowladuna ay u aqoonsatay maalinta saxaafadda Soomaaliya, aawadeed dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka, gaar ahaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta meel kasta oo ay joogaan.

Agaasimaha Guud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay burburkii guud ahaan ku dhacay dalka, raadadkii uu ku reebay bulshada iyo saameynta uu ku yeeshay qeybaha saxaafadda ee Soomaaliya.

Cabdilaahi Xayir Ducaale waxa uu ku baaqay in qeybaha warbaahinta ay dadka u gudbiyaan barnaamijyo nabadeed iyo kuwo wax u taraya bulshada, isla markaana laga fogaado wixii dhaawacaya dhismaha iyo nabadda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Xayir Ducaale , waxa uu xusay in dalka uu xilligaan ku jiro xaalad  soo kabasho ah, isla markaana ay haatan socdaan dib u dhis iyo horumar baaxad leh, sidaa daraadeed,waxa uu ka codsaday qeybaha warbaahinta in dalka ay ugu adeegaan si daacadnimo ah oo ay ku jirto danta dadka iyo dalka.

Gabagabadii  Agaasimaha Guud, waxa uu u rajeeyay shaqaalaha warbaahinta dalka,gaar ahaan wasaaradda warfaafinta in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Xoojinaya Xiriirkooda

  Kulan Taariikhi ah: Xoojinta Iskaashiga Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Jarmalka Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa si xooggan u ballaarinaya xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo ka wada hadlay hindiseyaal cusub oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale. Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga siyaasadda iyo horumarinta si loo kobciyo is-dhexgalka iyo xasiloonida hay'adaha dowladda. Intii ay socdeen wadahadalladan istiraatiijiga ah, mas'uuliyiintu waxay muujiyeen in si dhab ah looga go'an yahay balaarinta wada-shaqeynta baarlamaanka ee u dhexeysa labada dal. Sidoo kale, madaxda ayaa ka hadlay fursadaha muhiimka ah ee lagu dhisayo iskaashi xooggan oo dhexmara ganacsiyada Soomaaliya iyo kuwa Jarmalka , iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo adkeysiga dhaqaalaha, la dhiirigeliyo maalgashiga maxalliga ah, lana fududee...

Hawlgallada Qarsoon ee Iiraan oo Ballaariyay: Xaqiiqda Cusub ee Amniga ee Yurub

  Xadka Difaaca: Sida Dalalka Yurub ay ula Dagaallamaan Iiraan iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed Booliska Faransiiska ayaa roondo ka sameynaya bannaanka safaaradda Iiraan ee Paris, iyagoo muujinaya tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan xarumaha diblomaasiyadeed ee Iiraan ee Yurub. Bilihii ugu dambeeyay, muuqaalka diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa la kulmay isbeddel dhulgariir ah iyadoo hay'adaha sirdoonka Yurub ay sii xoojinayaan baaritaankooda ku aaddan Hawlgallada diblomaasiyadeed ee Iiraan Diiradda aan hore loo arag waxay timid iyadoo la dareemayo in caasimadaha qaaradda oo dhan ay sii kordhayaan in mudnaanta Heshiiska Vienna ay tijaabinayaan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo sii kordhaya. Dadka siyaasadda dejiya, waagii dhacdooyinkan loola dhaqmayay sidii kuwo go'doon ah. khilaafaadka gobolka si rasmi ah ayaa loo dhammeeyay, waxaana lagu beddelay amar lagu ilaalinayo ciidda madaxbannaan ee Yurub ee ka dhanka ah hawlgallada qarsoon ee shisheeye. Marka la eego waxa dhawaan dhaca...

Wasiirka Difaaca Oo U Digay Mucaaradka

 Tallaabooyin Adag oo Loo Qaadayo Ilaalinta Xasiloonida Caasimadda Muqdisho Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isagoo uga digay in la qaado tillaabooyin ujeeddadoodu tahay in la carqaladeeyo amniga caasimadda Muqdisho. Ujeedada ugu weyn ee hadalkan ayaa ah in laga hortago abaabul kasta oo maleeshiyo hubeysan oo dhaawici kara xasiloonida magaalada. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda federaalku aysan marnaba u dulqaadan doonin isku-day kasta oo hoos u dhigaya amniga guud, isagoo si gaar ah digniin u siiyay mucaaradka in ay iska fogeeyaan abaabulka kooxo hubeysan xilligan ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda ayaa caddeysay in haddii mucaaradku isku dayaan abaabul maleeshiyo, in si adag loola tacaali doono. Isagoo muujinaya qiimaha qaaliga ah ee lagu bixiyay nabadgelyada, wasiirku wuxuu xusay in naf iyo hanti badan loo huray sugidda amni...

Flydubai oo soo bandhigtay duulimaad toos ah oo isku xiraya Dubai iyo Muqdisho

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ay bilowday duulimaad toos ah oo isaga kala gooshi jiray Dubai iyo Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo degtay diyaaradii ugu horeysay oo nooceedu yahay Boeing 737 Max oo rakaab ka soo qaaday magaalada Dubai. The Minister of Transport and Civil Aviation, @fardowsaegal welcomed @flydubai ’s first flight to #Mogadishu ’s Adan Abdulle International Airport, on Thursday. The Airline will do daily flight connecting Mogadishu and #Dubai . #Somalia pic.twitter.com/T4W5lKLDch — SNTV News (@sntvnews1) March 9, 2023 Shirkadda ayaa horay u sheegtay in 14-ka Febraayo 2023 ay billaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Muqdisho, iyadoo qorshuhu yahay in tiradaas la gaarsiiyo laba jeer maalin kasta 1-da June. , Jabuuti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba, iyo Zanzibar ee Afrika. Adeeggan cusub ayaa lagu dari doonaa shabakadaas. Muqdisho waa magaalada labaad ee Soomaa...

Privacy Policy