Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka ugu baaqay hirgelinta heshiiskii ay ku gaareen shirkii golaha wadatashiga qaranka.
President @M_Farmaajo has welcomed the elections agreement reached by National Consultative Council led by Prime Minister @MohamedHRoble. The Council agreed on Sunday to conclude the elections by the 25th of February.#Somalia pic.twitter.com/oOD36FbIY7
— SNTV News (@sntvnews1) January 10, 2022
Madaxweyne Farmaajo waxuu khudbadiisa ku qiray in Ra’iisul
Wasaare Rooble iyo madaxda dowalad goboleedyada ay masuul ka yihiin qabsoomidda
doorashooyinka dalka.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan khudbadiisa
uga war-bixiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida
naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah
kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida
shacabka Soomaaliyeed.
“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska
Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah
ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo
qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka,”
ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka war-bixiyey hannaanka
siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo uu sheegay inay ku dhisan tahay wax
wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo
Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex
muuqanno fagaareyaasha Caalamka.
“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada
waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka,
sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku
guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud
ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga
Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne
Farmaajo.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyey
shacabka Soomaaliyeed in midnimada iyo wadajirku ay fure u yihiin jiritaanka
iyo awooddeenna qarannimo, waxuuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee
ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.
Comments
Post a Comment