Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga oo la kulmay Ra’iisal Wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta habsami u socodka doorashada, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka ee uu la kulmay ka dhageystay taladooda iyo in ay la wadaagaan aragtidooda ku aadan hufnaanta doorashada iyo meel marinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu dhageystay talooyinkooda, iyagoo carabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la qabto doorasho xasiloon oo ka tarjumaysa hannaan la isku raacsan yahay.Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga la yeeshay kulan ku saabsan hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka. pic.twitter.com/IDrok4vT6T
— SomaliPM (@SomaliPM) January 29, 2022
Comments
Post a Comment