Waxaa caawa magaalada Muqdisho dib uga bilaawday shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib maalin nasiino ah oo madaxdu ay kala maqnaayeen.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo war kooban ka soo saaray
ajendaha shirka caawa ayaa shaaciyey in laga hadli doono ‘dhammeystirka,
hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.
“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir ku leh magaalada
Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka,
hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo
baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.
Prime Minister @MohamedHRoble chairs National Consultative Council meeting at Decale Hotel in #Mogadishu on Friday evening. The conference focuses on transparency and security of the ongoing parliamentary elections.#Somalia pic.twitter.com/tSDlfALpvn
— SNTV News (@sntvnews1) January 7, 2022
Comments
Post a Comment