ShirkaGolaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho ayaa maraya heer gebogebo ah iyadoo horumarro laga gaaray arrimihii laga wada hadlayay, waxaana la filayaa in dhawaan la soo gabogebeeyo.
The National Consultative conference chaired by PM Roble is in its final stage as leaders agreed most of the issues on elections Security and it is expected to conclude soon, @MOALIMUU, Government’s Spokesman told to journalists. pic.twitter.com/FFpjGEsnkJ
— SNTV News (@sntvnews1) January 8, 2022
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in shirka ay Madaxdu sii amba qaadeen qodobada
doorashooyinka iyo amniga.
“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka maanta oo Sabti ah
waxa ay sii wadeen kulamadii ay ka lahaayeen doorashooyinka iyo amniga Dalka,
shirka maanta sida caadiga ah oo uu shirguddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed
Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug,
Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir”.
Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Ibraahim Macallimuu ayaa xusay in shirka uu marayo heer gabogabo ah, lana
filayo in shirka uu soo gabo gaboobo maalmaha soo socda, ayna ka soo bixi doonaan
go’aano wax ku ool ah.
Comments
Post a Comment