WasaaraddaCaafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowladda Federalka Somaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (National Institute of Health (NIH)) ayaa lagu wadaa inay si wada jir ah u qabtaan shir weynihii ugu horreeyay oo lagu soo bandhigi doono cilmi-baadhisyo kala duwan oo ku saabsan caafimaadka guud.
Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa wejigiisa koobaad waxa uu ka dhici doonaa maagalada Garoowe taariikhdu marka ay tahay 30 Janaayo – 1 Feebaraayo 2022. Machadka Caafimaadka Qaranka oo ka duulaya fursad siinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed iyo wax soosaarka Cilmiyeed ee aqoonyahanka iyo mihnadlayaasha Caafimaadka heerarkooda kala duwan ayaa u guntaday inuu abuuro Madal noqonaysa tii ugu horeeyay oo nuuceeda ah.
Madashan ayaa fursad gooniya siin doonta muwaadiniinta
Soomaaliyeed ee wax ka qora qaybaha kaladuwan ee Caafimaadka Guud oo runtii ah
meelaha ugu muhiimsan ee dalkeenu ka liitay mudadii aan burburka ku jirnay.
Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda
Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed waxa ay si gooniya ugu
mahadcelinayaan Ururka Caafimaadka Aduunka. Wakaaladda Caafimaadka Guud ee
Iswiidhan (Public Health Agency of Sweden), Joornaalka Arrimaha Caafimaadka
ee (SHAJ).
The @NihSomalia & the @MoH_Somalia are co-hosting the 1st NIH Public Health Research Conference to present a range of research. This annual conference will be held in Garowe from Jan 30 - Feb 1, 2022.#SOMNI@SomaliPM@TheVillaSomalia@Folkhalsomynd@WHO pic.twitter.com/AeuY1OQBG9
— The Somali National Institute of Health (@NihSomalia) January 24, 2022
Comments
Post a Comment