Ra’iisul wasaaraha oo kulan la yeeshey Dhaxalsugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed Ala Nahyan.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Sheekh Maxamed Bin Zayed iyo shacabka Imaaraadka Carabta sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo kooxdiisa iyo sidoo kale howlaha ay Imaaraadka ka wadaan Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siinayaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. Sheikh Mohammed bin Zayed, oo ah Dhaxal sugaha Abu Dhabi, ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay cambaareynta ay Dowladda Somaliya u soo jeedisay Falalka Argagixiso ee Xuutiyiinta ay ka geystaan dalka Imaaraadka Carabta.
Dhowr walaac oo gobolka ah iyo xiriirka laba geesoodka ah ayaa sidoo kale dib u eegis lagu sameeyay Ra'iisul Wasaare Roble iyo Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed Bin Zayed Al Nahyan. Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga Gudaha C/llaahi Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/llaahi Abuukar Xaaji ayaa ka qeyb galay kulanka, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheekh Maxamed Binu Saayid https://t.co/AnpmX443cI
— SomaliPM (@SomaliPM) February 1, 2022
Comments
Post a Comment