Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacawday Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Mudane Larry André, oo ah Safiirka cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliya.
Danjiraha cusub ayaa dhambaal salaan ah ka siday Madaxweynaha Maraykanka Mudane Joe Biden sidoo kale ka warbixiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey Soomaaliya, isla markaana soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa danjiraha cusub uga warbixiyay horumarka Dowladda Federaalka ay
ka sameysay garoonka diyaaradaha, dib u dhiska ciidanka, dib u habeynta
hay’adaha dowliga ah iyo cafinta daymaha, Madaxweynaha iyo Danjire André ayaa u
kuur galay xaaladda. Horumarinta dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada,
arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta.
Madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka
safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo
igmaday.
President @M_Farmaajo has today accepted Credentials from the new US Ambassador to Somalia, Larry André, Jr. The President congratulated Amb. André & wished him success in his new post while also assuring him unequivocal support towards strengthening 🇸🇴🤝🇺🇸 bilateral ties. pic.twitter.com/J5LS2yyxqP
— SNTV News (@sntvnews1) February 7, 2022
Comments
Post a Comment