Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu ansixiyay miisaaniyad kumeel gaarka ah oo dhan $206,474,223, taasoo loogu talagalay howlaha shaqo ee dowladda inta u dhexeysa April ilaa June ee sanadkan.
Wasiirka
Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Golaha
Wasiirada si faah faahsan u horgeeyay, waxaana uu faah faahin ka bixiyay
muhiimada ay dalka u leedahay, iyadoo Golaha Wasiirada ay si buuxda u
ansixiyeen Miisaaniyadda rubac labaad si looga fogaado in la carqaladeeyo
howlaha dowladda inta dalka ay ka socdaan doorashooyin.
Golaha
Wasiirada ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay doorashooyinka soo socda ee
dalka ka dhacaya iyo sidoo kale isku dayga dowladda ee wax kaqabashada abaaraha
dalka.
Somali Cabinet of Ministers endorsed on Sunday $ 206,474,223, provisional budget for Government institutions from April to June, 2022. #Somalia pic.twitter.com/9tegpdZ2u0
— SNTV News (@sntvnews1) March 13, 2022
Comments
Post a Comment