Guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday Xerada Afisiyooni ayaa lasoo saarey.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ugu sareysa Hay’adaha ammaanka dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, wuxuuna amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weeraradii ugu dambeeyay ee argagixisada, amniga doorashada iyo dhacdooyin kale dalka ka dhacey.
Mudane
Farxaan Cali Axmed Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa sheegay in la sameeyay Guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku
sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday Xerada Afisiyooni, islamarkaana ay hoos tagi
doonaan Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray xaalada
amni ee doorashada, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Danjire
Francisco Madiera, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
(SRCC) ayaa sidoo kale soo jeediyay sida uu uga xun yahay weeraradii ugu
dambeeyay ee kooxaha argagixisada ay ka geysteen magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne
oo ayna si wadajir ah ula shaqeyn doonan guddiga la magacaabey.
PM @MohamedHRoble has on Sunday held meeting with country’s top security officials and AMISOM commanders and instructed them to launch formal investigation into recent terrorist attacks in #Mogadishu and #Beledweyne.#Somalia pic.twitter.com/OZfACrY8mN
— SNTV News (@sntvnews1) March 27, 2022
Comments
Post a Comment