Warqad ay si wadajir ah u soo saareen Xoghayeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka SareC/kariin Buux iyo Cali Maxamed Jaamac, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxaa lagu weydiiyay 10 qodob oo ku saabsan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Labada
xoghaye ee baarlamaanka ayaa tobankan qodob ku soo koobay xog muhiim ah oo ay
ka codsadeen xildhibaan kasta oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee cusub.
Qoraal ay
si wada jir ah u soo saareen labada xoghaye ayaa lagu sheegay in xogta ku jirta
galalkan ay muhiim u tahay diiwaangelinta xubnaha cusub.
10-qodob ee
laga codsaday guddiga heer federal ayaa kala ah:
1 – Shahadooyinka
Xildhibaanada
2 – Shahaado dugsiyeed –
aqoontiisa
3 – Sawirka baasaboorka ama warqad kale oo sugeysa
aqoonsiga shakhsiga
4 – Afar sawir oo xildhibaan kasta laga rabo
5 – Cadeynta shaqo ka tegidda
iyo cadeynta ogolaashaha hey’adda dowladda ee uu ka tirsanaa jiray.
6 – Taariikh nololeedka
Xildhibaan
7 – Magaca deegaan
doorashadiisa
8 – Duqa ama duubabka beesha
kursiga leh
9 – Ergada soo dooratay
10 – Qofka ama dadka la tartamay natiijada ay ku kala badsheen.
Warqad ay si wada jir ah u soo wada saareyn labada Xoghaye ee labada Aqal ee Golaha Shacabka BFS ayee uga dalbadeen Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal 10 qodob oo ku saabsan macluumaadka xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. pic.twitter.com/nFKNmyEh02
— Mohamed Jibril (@MohamedJibrile) March 12, 2022
Comments
Post a Comment