Mareykanka ayaa u arka in uu cunaqabateyn ku soo rogo afar oo ka mid ah mas'uulliyiinta Soomaalia oo uu kujiro Farmaajo
Mareykanka ayaa aqoonsaday afar sarkaal oo Soomaali ah oo caqabad ku ah doorashada baarlamaanka, waxaana suuragal ah in maamulka Biden uu kusoo rogo cunaqabateyn.
Horaantii bishan ayaa waxaa warbaahinta gobolka ka soo baxayay warbixino kala duwan oo ku saabsan danaha Mareykanka ee doorashada Soomaaliya iyo inta uu diyaar u yahay in la xaqiijiyo in doorashada ay u dhacdo si sax ah.
Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Mareykanka ayaa horey ugu dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah saraakiisha qaar waxaana laga yaabaa in hadda wax badan lagu daro. Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa horey u sheegay in cunaqabateynta looga dan leeyahay in lagu abuuro isla xisaabtanka falalkooda carqaladeynta ah.
Waxay u badan tahay in maamulka Maraykanku uu cunaqabatayn fiisaha ku soo rogo afartan qof mar kale. Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ah Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa ka mid ah raggii falkaasi gaystay.
Farmaajo ayaa tan iyo markii uu talada dalka qabtay waxa uu caan ku ahaa dano gaar ah, waxaana si uu u sii ahaado maamulka uu si gaar ah uga gaabiyay geedi socodka doorashada. Xasan Khayr, Abdikarim Guled, iyo Fahad Yaasiin ayaa ka mid ah dadka liiskan kujira.
Comments
Post a Comment