Dagaalka Suudaan: Xiriirka Masar, Turkiga iyo Eritrea iyo Saameynta uu ku leeyahay Geeska Afrika Dagaalka ka socda Suudaan wuxuu noqday arrin amni oo saameyn ku leh dalal badan oo ku yaalla Geeska Afrika. Tan iyo markii uu dagaalku billowday Abriil 2023, ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF), oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, iyo ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ayaa ku dagaallamayay awoodda dalka. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka militari, danaha dhaqaale iyo taageerada dibadda ayaa sii kordhiyay muhiimadda gobolka ee colaaddan. Hay'adda Midowga Yurub ee Arrimaha Magangalyada (EUAA) waxay faahfaahin ka bixisay doorka dalalka shisheeye, gaar ahaan Masar iyo Turkiga, ee dagaalka Suudaan. Xiriirka Suudaan iyo Masar: Danaha Beeraha iyo Taageerada Milatari Masar iyo Suudaan waxay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo ku salaysan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo arrimaha webiga Niil. Xuduudda ay wadaagaan iyo muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Suudaan waxay Masar siina...
Ra’iisulWasaaraha XFS ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo loo doortay Guddiga Doorashada Hirshabelle, isagoo bedelaya Axmed Xasan Diini, waxaana uu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashada inay raacaan nidaamka iyo heshiisyada Guddiga Doorashada, si nidaamka iyo kala dambeynta loo ilaaliyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khadka
telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo
ay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu
tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.
Ugu
dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kula dardaarmay madaxda Jubbaland iyo
Hirshabeelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo buuxiyaan kuraasta ka harsan
Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Xilka qaadista guddoomiyihii Guddiga Doorahsooyinka SIEIT Hirshabeelle https://t.co/zNPr3QgMqJ
— SomaliPM (@SomaliPM) March 20, 2022

Comments
Post a Comment