Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka

  Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa fariin u diray guddiyada doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa fariin u diray guddiyada doorashada.
Ra’iisulWasaaraha XFS ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo loo doortay Guddiga Doorashada Hirshabelle, isagoo bedelaya Axmed Xasan Diini, waxaana uu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashada inay raacaan nidaamka iyo heshiisyada Guddiga Doorashada, si nidaamka iyo kala dambeynta loo ilaaliyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kula dardaarmay madaxda Jubbaland iyo Hirshabeelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo buuxiyaan kuraasta ka harsan Golaha Shacabka.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka

  Baaritaanka Yurub ee Shabakadaha Ikhwaanu Musliimiinka Hogaamiyayaasha iyo hay'adaha ammaanka ee Yurub ayaa muujinaya isbedel weyn oo ku yimid sida ay ula socdaan kana doodaan dhaqdhaqaaqyada Ikhwaanu Musliimiinka. Sida lagu xusay warbixin dhawaan uu daabacay wargeyska Le Pont de Genève ee dalka Switzerland, dooda bulshada iyo midda siyaasadeed ee Yurub ayaa si cad uga weecanaysa eedeymihii taariikhiga ahaa ee xagjirnimada iyo rabshadaha. Bedelkeeda, mas'uuliyiinta ayaa hadda diiradda saaraya fahamka shabakadaha saameynta, maalgelinta hay'adaha, iyo ururada bulshada ee lala xiriiriyo kooxdan. Istiraatiijiyaddan isbedeleysa ayaa si degdeg ah u noqoneysa mowduuc udub dhexaad u ah doodaha siyaasadeed ee dalal dhowr ah oo dimuqraadi ah. Sida uu iftiimiyay wargeyska Talyaaniga ee Il Sole 24 Ore , dooda ballaaran ee Yurub ayaa si aad ah u eegaysa "istiraatiijiyadda saameynta" ee Ikhwaanu Musliimiinka, iyadoo sharci-dejiyayaashu ay falanqeynayaan sida ururada xiriir...

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharci taariikhi ah oo la dagaalanka argagixisada oo uu saxiixay madaxweynaha.

Sharci cusub oo la dagaalanka argagixisada oo ujeedadiisu tahay in la helo qaab sharci ah oo lagu caawinayo hay’adaha ammaanka dowladda si ay si wanagsan ula dagaalamaan iyo ciribtirka argagixisada Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay ay ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Dood iyo falanqeyn toddobaadyo ah ka dib, xildhibaanada ayaa waxa ay ku meel mariyeen sharcigan 133-3, halka 7 ay ka aamuseen, waxaana sharcigan uu Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ku tilmaamay sharci muhiim u ah in dalka Geeska Afrika uu noqdo mid nabad ah. “Sharcigani waxa uu lama huraan u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna imaanayaa xilli aan aad ugu baahanahay in aan gudano waajibaadkeena qaran ee ka hortagga falalka argagixisanimo iyo burburinta argagixisada,” ayuu ku dhawaaqay Salaad. “Maanta sharci dumarka iyo carruurta ka ilaalinaya weerarrada argagixisada, seef af badanna u ah hay’adaha amniga dowladda si loo cirib tiro argagixisada ayaa lagu guuleystay...

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira uga qeyb galay shirkii 158-aad ee Jaamacadda Carabta.

Shirkii 158-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyo wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Abshir Cumar Huruuse ay ka qayb galeen. Shir madaxeedka ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dalalka Carabta iyo dhibaatooyinka xilligan saameeya dalalka Carabta, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo dhibaatooyinka kale ee saameeya degaanka Carabta. Wasiirada arrimaha dibadda Carabta ayaa dib u eegis ku sameeyay fursadaha lagu caawinayo dowladda federaalka ah ee wax ka qabashada xaaladaha amniga iyo abaaraha ka jira Soomaaliya . Jaamacadda Carabta ayaa mar kale xaqiijisay in ay Soomaaliya ka caawineyso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo sugnaanta cunnada. Waddamada sida weyn u saameeyay abaarta ka jirta Geeska Afrika waxaa ka mid ah Soomaaliya. #PICTURES : The Minister of Foreign Affairs, @abshirhuruse has attended the 158th meeting of the #Arab League...

Puntland oo lagu doortay shan xubnood oo ka mid noqonaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada maanta ka dhacday magaalada Garoowe caasimadda Puntland waxa ku kala guulaystay murashaxiinta kala ah. 1-HOP#235 C/laahi Bidhaan Warsame. 2-HOP#200 Cali Yuusuf Cali. 3-HOP#196 Cabdi Ibraahim Warsame. 4-HOP#249 C/laahi Xasan Rooble. 5-HOP#166 Axmed Cabdi Xaashi. The electoral delegates of #Puntland State have elected on Saturday in #Garowe five MPs including one Federal Minister and two regional Ministers to House of People of Federal Parliament. #Somalia pic.twitter.com/NYiTMyO0wT — SNTV News (@sntvnews1) January 22, 2022

Privacy Policy