Kadib khilaaf hor leh oo ka dhashay doorashada
xildhibaanada federaalka ee ka socota magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ee
Jubbaland, ayaa doorashada Soomaaliya ee dib loo dhigay. Qaar ka mid ah madaxda
maamul goboleedyada ayaa ku baaqaya in goobta doorashada loo wareejiyo
magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo ku sababeeyay amni
darada ka jirta deegaanka iyo saameynta uu ku yeeshay madaxweynaha xilka ka
degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adda. Gobolka waxaa gacanta ku haya
NISA.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in “Faragelinta
Farmaajo uu ku hayo doorashada deegaanka Gedo” ay dhalisay muran ka dhashay
doorashada 16-ka kursi, taasi oo noqotay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn
ee dib u dhigista doorashada welina aan xal loo helin.
Doorashada Soomaaliya ayaa lagu waday in ay dhacdo
25-ka bishan February, balse markii ugu horeysay ayaa dib loo dhigay 15-ka
March.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken
ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii
Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay
ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii 25 Febraayo, 2022.
"Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo
la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaalida
iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda
is-hortaagga ah," ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda
Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Farmaajo ayaa tan iyo markii uu talada dalka qabtay waxa uu caan
ku ahaa dano gaar ah, waxaana si uu u sii ahaado maamulka uu si gaar ah uga
gaabiyay geedi socodka doorashada. Xasan Khayr, Abdikarim Guled, iyo Fahad
Yaasiin iyo madaxweynihii hore Farmaajo ayaa ah afarta mas’uuliyiin mareykan
kusoo rogayo cunaqabateynka.
Haddii ay dhacdo in dib loo dhigo doorashada cusub,
Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa tilmaantay in hindisaha ay ka waddo
Soomaaliya lagu joojin karo saddex bilood gudahood.
Doorashada Soomaaliya ayaan wali lagu dhawaaqin, iyadoo
ay jirto in Aqalka Hoose ee Baarlamaanka uu gabagabo ku dhow yahay.
Maraykanka oo xayiraad kusoo rogay shakhsiyaad lagu eedeeyay dib u dhaca doorashada Soomaaliya https://t.co/Ozs0PjLVvd
— VOA Somali (@voasomali) February 26, 2022
Comments
Post a Comment