Xildhibaan Maxamuud Kuulow oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo bishii hore ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoo ku guuleystay kursiga HOP#079, ayaa Jimcihii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib xanuun muddo kooban hayay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Mohamud Kulow, a newly elected member of House of People of Federal Parliament has passed away in #Nairobi, on Friday. The President of Somalia’s #Jubbaland State has sent his heavy-hearted condolences to his family and all Somali people.#Somalia pic.twitter.com/0JC2O3gCr8
— SNTV News (@sntvnews1) March 11, 2022
Comments
Post a Comment