Waftigu waxay u yimaadeen inay ka wada hadlaan iskaashiga laba geesoodka ah ee abuuritaanka Nidaamka Macluumaadka Caafimaadka Qaranka, kaas oo ku saleysan xoojinta dadaallada lagu abuurayo siyaasadaha iyo nidaamyada macluumaadka caafimaadka iyo adeegsiga cilmi baarista.
Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, ayaa madasha ka soo jeediyay warbixin ku saabsan arrimaha caafimaadka iyo sidoo kale heerka adeegyada caafimaad ee ay qaranka u hayaan iyo qorshayaasha ay wasaaraddu ku horumarinayso nidaamka xogta caafimaadka qaranka. Abaaraha ka jira guud ahaan dalka ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka u nugul xaaladaha caafimaad darro ee ku nool deegaannada ay abaaruhu ka jiraan.
Weftigu waxa kale oo ay talooyin ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa nidaamka iyo maaraynta xogta caafimaadka guud ee qaranka ay ka heleen qaar ka mid ah farsamayaqaannada xogta caafimaadka oo la-tashi iyo xog-waraysi ku saabsan geeddi-socodka siyaasad-dejinta iyo tayada nidaamka macluumaadka caafimaadka.
Comments
Post a Comment