Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Soomaaliya oo kula kulmay Nairobi xubno sare oo ka tirsan UK.
Ergeyga gaarka ah ee dowladda UK u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada iyo macluusha Nick Dyer iyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha Mudane CabdiraxmaanCabdishakuur Warsame oo ay ka wada hadleen gurmadka abaaraha Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ayaa uga mahadceliyey dowladda UK
iyo xafiiskeeda arrimaha bini’aadantinimada sida ay u caawiyeen dowladda
Soomaaliya iyo shacabkeeda dhibaateysan. Iswareysiga ayaa waxay markaa u
weecday mashaariicda hadda jira, waajibaadyadii hore, iyo iskaashiga
suurtagalka ah ee labada dhinac.
UK iyo hay’adahooda ayaa u heellan wax ka qabashada
abaaraha ka jira Soomaaliya, waxaana Mudane Cabdiraxmaan uu soo dhaweeyay taageerada
ay u fidiyeen. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in
loo ololeeyo abaarahan iyo sidii loo sii wadi lahaa.
The Special Envoy for Drought Response @AAbdishakur met in Nairobi with @FCDOGovUK delegation led by the Director General of Humanitarian & Development Nick Dyer and discussed how #UK could support the resource mobilisation efforts and drought advocacy at international stage. pic.twitter.com/mYwnFC2Tpa
— SNTV News (@sntvnews1) July 12, 2022
Comments
Post a Comment