Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii xubin uga noqoto bulshada Bariga Afrika. Todobaadki hore ayaa wadamada xubnaha ka ah ururkaan waxa ay ku kulmeen magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu safar ku tagay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Markii la gaaray waqtigii ay Soomaaliya codsan lahayd in ay kooxdaas ku biirto ayuu madaxweynuhu soo jeediyay soo jeedintiisa.
Waxaa aad muhiim ugu ah Soomaaliya in ka mid
ahaanshaheeda Bulshada Bariga Afrika ay ka faa’ideysato balaarinta ganacsiga
gudaha dalka si ganacsatada Soomaaliyeed ay si xor ah uga howlgalaan wadamada
xubnaha ka ah oo ay badeecadaha uga iibiyaan wadamadaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore codsatay ka mid
noqoshada ururka sanadkii 2016-kii, kadibna 2018-2019, markaasoo kooxdu ay
muujisay xiisaha ay u qabto soo dhaweynta Soomaaliya. Madaxda Dalladda ku
bahoobay Dalladaasi ayaa waxa ay go’aan ku gaareen in ay u diraan Guddi ka soo
baaraan dega xaaladda dalka Soomaaliya, balse sababo kala duwan dartood
dowladda Soomaaliya ayaa u suurtageli weyday in ay go’aankooda fuliso.
Arrinta muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa
xilligaas mareysay meel xasaasi ah, iyadoo xiriirka labada dal uu sii
xumaanayo. Xilligaas, Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Kenya, wuxuu sidoo kale ahaa
guddoomiyaha ururka; taasoo keentay in Soomaaliya ay diido guddigii loo diray.
Magaalada Aarusha ee Tansaaniya waxay u adeegtaa
sidii xarunta ururka. Shan ka mid ah toddobada waddan ee uu ka kooban yahay
bulshada Bariga Afrika, oo hadda ku midaysan, ayaa heshiis gaadhay, kaas oo
horseeday in ururkan la aasaaso sannadkii 2000. Waddamada ururkan ka kooban
yahay ayaa ka wada shaqeeya dhinacyo kala duwan, sida siyaasadda, amniga,
difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, farsamada iyo sharciga. Waxay ku dadaalaan sidii
ay u heli lahaayeen is-dhexgal dhammaystiran oo dhan walba ah.
“We are ready for admission into the EAC!” H.E Hassan Sheikh Mohamud , President of the Federal Republic of Somalia & Special guest of the 22nd Ordinary Summit of the EAC Heads of State. #EACSUMMIT2022 @TheVillaSomalia @MOFASomalia @pmathuki pic.twitter.com/Ts2YW8R7d8
— East African Community (@jumuiya) July 22, 2022
Comments
Post a Comment