Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud waxaa ka furmay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.
Shirka ayaa mowduuca ugu weyn ee looga hadlay waxa
uu ahaa amniga,kadibna golaha wasiirada ayaa cod loo qaaday deegaameynta
degmooyinka Baxdo iyo Wisil oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha,
federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug.
Cod gacan taag ah oo la sameyey ayaa aan cidna ka
aamusin, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan, waxaana
Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah. Golaha Wasiirada ee Gamudug
ayaa horay loogu igmaday gudashada waajibaadkooda shaqo iyo sharciyeynta
Wasaaradaha muhiimka ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.
Galmudug Cabinet has endorsed #Bahdo and #Wisil as districts in their weekly meeting that was held in Bahdo , on Sunday. The meeting was chaired by President @MrQoorqoor who had been in Bahdo for last two days.#Somalia pic.twitter.com/6xMLLaQCw7
— SNTV News (@sntvnews1) July 10, 2022
Comments
Post a Comment