Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri booqan doona magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, si uu taageero ugu raadiyo sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd ururka Bariga Afrika (EAC), sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Burundi ayaa sheegay in Burundi ay ku bedeli doonto Kenya guddoomiyaha EAC, Burundina ay taageeri doonto musharaxnimada Soomaaliya, sidoo kale dowladaha kale ay taageerayaan Soomaaliya. War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsatay ka mid noqoshada kooxdan sanadkan 2016-ka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada, “isku-darka dhaqaalaha dalladdan sannadkii waxa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo bilyan oo dollarka Maraykanka ah, iyadoo wadarta guud ee dadka ku nool dalalkan lagu qiyaasay 312 milyan oo qof oo haysta hal baasaboor oo isku xidha." Dalladan dib loo yagleelay sannadkii 2000 waxa ay isu keentay toddoba (7) waddan oo ay ku xidhan yihiin suuq ganacsi oo baaxad leh oo muhiim u ah dhaqaalaha gobolka.
Madaxweyne @HassanSMohamud ayaa berri (Khamiis) u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania si uu taageero ugu raadiyo in 🇸🇴 ka mid noqoto dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasi oo haddii ay suurtagasho dadka Soomaaliyeed ka dheefi doonaan qodobbada hoose.👇🏾 pic.twitter.com/jagnHFDwtl
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) July 20, 2022
Comments
Post a Comment