Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay wada hadalo ku saabsan ka faa’ideysiga kheyraadka biyaha wadamada IGAD. Xubnaha IGAD ee ka kala socda 8-da waddan ee Geeska Afrika ayaa ka qayb galay shirkan. Ummad kasta oo ka soo qayb gashay shirkan ayaa la faray sidii ay uga faa’iidaysan lahayd kheyraadka biyaha ee ay leedahay, waxaana sidoo kale looga fadhiyay inay dejiyaan qorshe gaar ah oo ay uga faa’iidaysan karaan kheyraadka badda ee qarankooda.
Soomaaliya waa dalka Afrika ugu xeebta dheer, waana
dalka Afrika ugu badan ee leh kheyraadka biyaha ee loo baahan yahay in laga
faa’ideysto. Shirkan ayaa intii uu socday waxaa dalalka Geeska Afrika ee ka soo
qeyb galay mid waliba uu soo bandhigay kheyraadka biyaha badda iyo birta ee uu
Alle ku maneystay, waxaana lagu lafo-guray qorshaha ka faa’ideysiga kheyraadka
biyaha ee Afrika iyo kan IGAD.
Kulankan ayaa ku bilowday isbarasho, waxaana maanta
ah ay si toos ah u bilaaban doontaa qeybsiga istaraatiijiyada isticmaalka
kheyraadka.
A three-day #IGAD Member States National #BlueEconomy Strategy Development Training has on Friday kicked off in #Mogadishu. #IGAD says it supports Member States develop their own National Blue Economy Strategy & domesticate the IGAD BE Strategy.#Somalia pic.twitter.com/JahqaYVeLc
— SNTV News (@sntvnews1) July 29, 2022
Comments
Post a Comment