Golaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana u mahad celiyay madaxweynaha maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddiga iyo
Xildhibaanada uga warbixiyay howlaha shaqo ee xukuumadiisa cusub, waxa uuna
balan qaaday in uu si deg deg ah wax uga qaban doono amniga, dhismaha
kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo baahinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane
Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka sokow ballan qaaday in ay wada shaqeyn dhow la
yeelan doonaan Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada, sidoo kale waxa uu ka codsaday
Wasiirada in waxqabadkooda howlahooda shaqo lagula xisaabtamo.
The regional Parliament of Somalia’s #Hirshabelle State has on Wednesday endorsed region’s newly appointed cabinet.#Somalia pic.twitter.com/U9uLI3xCTC
— SNTV News (@sntvnews1) August 3, 2022
Comments
Post a Comment