Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe ciidamada xoogga dalka waxa ay ka wadeen howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lagala wareegay goobihii ay horay ugu sugnaayeen.
Dadaalkan lagu xoraynayo qeybo ka mid ah gobolka
Hiiraan ayaa waxaa hormuud ka ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte
Cismaan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, NISA,
Booliska Hirshabeelle iyo dadka deegaanka oo is garab taagay.
Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan,
ujeedka howlgalkan ayaa ah sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaad ka
tirsan Al-Shabaab oo dhibaato ku haya dadka deegaanka ee ku sugan deegaanno ka
tirsan gobolkaasi. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka
iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan howlgalkan ayaa guulo ka
sheegtay, iyadoo ku dhawaad 10 deegaan oo u dhaxeeya Matabaan iyo Maxaas
lagala wareegay Al-Shabaab.
Somali National Army removed landmines buried by the terrorists on the road between Kalabeyr and Jira’le villages in #Hiiraan region, on Friday.#Somalia pic.twitter.com/QWmcmglEVj
— SNTV News (@sntvnews1) August 12, 2022
Comments
Post a Comment