Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee TurkSom ugu soo xiray Dufcadii 4-aad ee Tababarka Saraakiisha iyo Dufcadii 5-aad ee Taliyeyaasha Tababarrada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dowladda Turkiga sida ay u hirgelisay hay’addan oo la aas aasay sanadkii 2015-kii, waxaana uu caddeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, sahayda iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si ciidan Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u
jeediyay saraakiisha iyo saraakiisha ku xigeennada ayaa ku dheeraaday
muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay u dulqaadan karaan arrimaha
argagixisada iyo sidoo kale in la xoreeyo goobaha ay argagixisadu ay ku
diyaarinayaan falalka gurracan ee ka dhanka ah maamulka iyo shacabka.
Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada ayaa dhaarta
dastuuriga ah ku dhaariyay inay difaaci doonaan dalka, diinta, iyo calanka
Soomaaliyeed, iyagoo markaasi ka dib soo bandhigay dhoolatus ay ku muujinayeen
tayada iyo cududda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
88 Officers and 91 NCOs of Somali National Army have on Sunday graduated from #TURKSOM military training center in #Mogadishu and received their diplomas.#Somalia #Turkey. pic.twitter.com/fSCgz5CD59
— SNTV News (@sntvnews1) July 31, 2022

Comments
Post a Comment