William Ruto oo ah madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa loo doortay madaxweynihii shanaad ee dalka, inkastoo doorashada ay hareysay jahawareer iyo gacan ka hadal loo geystay madaxii doorashada.
Ruto ayaa kaga adkaaday Raila Odinga oo ahaa
hogaamiyihii mudada dheer ee mucaaradka Kenya oo isbahaysi la sameeyay
madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta oo taageerayaashiisa ay
aaminsanaayeen in uu u xaqiijin doono madaxweynimada, doorashadaas oo ku sifowday
riwaayad heersare ah iyo isbahaysiyo isbedbedelaya.
Afar ka mid ah todobada xubnood ee guddiga
doorashada ayaa isniintii isaga baxay xarunta ugu weyn ee codbixinta ee
magaalada Nairobi, xilli guddiga doorashada uu ku dhowaaqay in uu ku dhawaaqo
natiijada kama dambaysta ah kadib lix maalmood oo la tirinayey, iyaga oo ku
andacoonaya in aysan aqbali karin natiijada "daaha gedaashiis ah" ee
doorashada. tirinta codadka.
Wafula Chebukati, oo ah guddoomiyaha guddiga, ayaa
si kastaba ha ahaatee, wuxu ku dhawaaqay in Ruto uu kaga guuleystay Odinga
50.49% codadkii la dhiibtay, halka Odinga uu helay 48.85%.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ku guuleystay
doorashada kadib waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diray William Samoei Ruto
oo ah Madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyadda Kenya. Madaxweynaha ayaa
rajeynaya in Williams Ruto uu kala shaqeeyo horumarinta xiriirka laba geesoodka
ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
I offer my sincere congratulations to President-elect H.E @WilliamsRuto on becoming Kenya’s 5th President. My best wishes to you as you begin your tenure at @StateHouseKenya. I look forward to closely working with you to advance our partnership in all areas of mutual benefit.
— Hassan Sheikh Mohamud (@HassanSMohamud) August 15, 2022
Sidoo kale, Williams Ruto oo noqday madaxweynihii
shanaad ee Kenya ayaa hambalyo ka helay RW Xamza Cabdi Barre. “Dadkeennu aad
bay isugu xidhan yihiin. Waxaan aad u daneynayaa inaan dhinacyo kala duwan
idinkala shaqeeyo” ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.
I would like to congratulate H.E. @WilliamsRuto on his election as the 5th president of the Republic of Kenya. The historic conclusion of this process is a testament to your leadership. The bonds between our people are strong. I look forward to working with you on many fronts.
— Hamza Abdi Barre (@HamzaAbdiBarre) August 15, 2022
Comments
Post a Comment