Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan soo dhaweeyay ah la qaatey xubnaha Golaha Wasiirada lasoo magacaabey.
Xubnaha la magacaabay ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyagoo sidoo kale sheegay in ay ku faraxsan yihiin magacaabistooda.
Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse ku
bogaadiyay wada tashigii wanaagsanaa ee uu sameeyay iyo dadaalka uu ugu jiro
sidii loo heli lahaa dowlad tayo leh oo ka dhabeyn karta hiigsiga Soomaalida
iyo caalamka intiisa kale iyo sidoo kale himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirada ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud kula dar daarmay inay xoogga saaraan hagaajinta xiriirka caalamiga ah
ee Soomaaliya iyo sidoo kale sugidda amniga, wax ka qabashada abaaraha, dib u
heshiisiinta, dhameystirka dib u eegista dastuurka, tayeynta dowladnimada iyo
kaabayaasha dhaqaalaha ee shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryay in
uu waafajiyo wixii maslaxad u ah shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda
Soomaaliyeed, waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda si ay si deg deg
ah u guda galaan. ka soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.
President @HassanSMohamud has held a welcoming meeting with Prime Minister @HamzaAbdiBarre and his designated cabinet. The President urged them to meet Somali people’s expectations and to serve the public efficiently and honestly.#Somalia pic.twitter.com/vW0xNZ5qiQ
— SNTV News (@sntvnews1) August 2, 2022

Comments
Post a Comment