Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu soo gabagabeeyo booqasho afar maalmood ah oo uu ku joogay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.
Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhoofo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib safar qaatay muddo afar maalmood ah.
Maxamuud ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay
kulamo kala duwan la qaatay Siciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxa Puntland iyo
Axmed Cilmi Cismaan oo ah ku xigeenkiisa, waxayna kulamo kala duwan uga hadleen
sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad
goboleedka Puntland iyo sidoo kale dar-dargelinta howlgallada ka dhanka ah
Al-Shabaab.
Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya
iyadoo madaxda maamul goboleedyada ay dhaliilo u jeedinayaan xilalka wasiirnimo
iyo kuwa sare ee dowladda. Qabaa’ilka waaweyn ee Soomaaliya waxay wax ku qaybsadaan
awood qaybsiga beelaha.
Injineer Maxamuud Ceydiid Dirir, Wasiirka
Warfaafinta Puntland, ayaa Jimcihii sheegay in Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ee xilligan ka jira Somaliya uusan u go’neyn in uu dalka ku maamulo
qaab Federaal ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka
Maxamuud ay tahay in uu fuliyo waajibaadka sharci ee uu siiyay MaamulGoboleedka Puntland.
Maalintan Axadda ah ayaa magaalada Garoowe, waxaa uu
Madaxweyne Maxamuud la kulmi doonaa Ururada Bulshada Rayidka ah, sida
Ganacsatada, Dhalinyarada, Haweenka, Aqoonyahanada, si uu talo uga helo
maamulkiisa cusub. Madaxweynaha iyo Deni ayaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu
qaban doono xarunta madaxtooyada ka hor inta uusan Madaxweynuhu ka dhoofin
Garoowe, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
#PICTURES: President @HassanSMohamud and his delegation have been hosted a dinner by the leader of Somalia’s #Puntland State @HESaidADeni in #Garowe town, on Saturday night.#Somalia pic.twitter.com/0UfrArhUq5
— SNTV News (@sntvnews1) August 27, 2022
Comments
Post a Comment