Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaan jiray Al Shabaab, haddana ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay garab istaagaan dowladdooda iyo ciidankooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in haddii taasi la sameeyo ay joojineyso weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka.
Wasiir Roobow oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dar
daarmay cid walba in ay iska kaashadaan sidii ay naftooda iyo maalkooda u
difaaci lahaayeen, si loola dagaalamo Al-Shabaab. Shacabka Hiiraan iyo Galmudug
ayuu ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay.
Habeenimadii Axadda ayaa Wasiirka iyo
Culimaa’udiinka kale oo ka hadlay Barnaamij ka baxay TV-ga Qaranka Soomaaliyeedwaxay cambaareeyeen weerarkii Xayaat, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof,
117 kalena ay ku dhaawacmeen. Habeenimadii Jimcaha, argagixisada Al Shabaab
ayaa weerar ku qaaday Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho, kaasoo ku bilowday
laba qarax oo ismiidaamin ah.
Inkastoo dagaalyahanada Al Shabaab ay fariisimo ka
sameysteen dabaqada sare ee Hotelka, hadana waxay ciidamada gaarka ah ee
Soomaaliya ku qaadatay in ka badan 30 saacadood inay soo afjaraan go’doominta. Roobow,
oo xubin ka ahaan jirey jabhaddan xiriirka la leh Al Qaacida, ayaa ku
andacoodey in taliyayaashooda ay ka faa'iideystaan carruurta aan caqliga lahayn
iyo kuwa tabarta daran iyagoo hubinaya qaab nololeedka oo qoysaskooda.
“Dhallinyarada Al-Shabaab, madaxdiina waa idin
khiyaameysaa, caruurtooda ama dibadda si raaxo leh ayay ugu nool yihiin ama
iskuulo iyo Jaamacado Xamar (Muqdisho) ayay dhigtaan, ha ku kadsoomin”ayuu yiri
Muqtaar Roobow.
Mukhtar Robow, the current federal Minister of Religion Affairs has urged Somali people to assist their government and army in the fight against Alshabaab terror group.#Somaliahttps://t.co/ho4cUagjZ5
— Horn First News (@HornFirstN) August 23, 2022
Comments
Post a Comment