Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray xil wareejinta Qorsheynta, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Dhalinyarada & Ciyaaraha.
Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilalkii u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebene iyo Wasiirkii hore ee xilka laga qaaday Amb Jamaal Maxamed Xasan.
Wasiiru Dowlaha, Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir
ku-xigeenka, Maxamed C/qaadir Cali, Wasiir ku-xigeenkii hore, Marwo Fahma Axmed
Nuur, Agaasimaha Guud, Mudane Asad Yuusuf Qanyare, Hanti-dhowrka Qaranka,
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Aqalka Sare, Golaha Shacabka,
Agaasime Waaxeedyada, Shaqaalaha Wasaaradda, ayaa dhammaan goob joog ka ahaa
munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Qorsheynta
Qaranka.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore
ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyey howlihii
shaqo ee u qabsoomay Wasaaradda uu hoggaamiyo.
Dhanka kale xilkii Wasiiru Dowlaha WasaaraddaGaashaandhigga waxaa laga bedelay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ahaa
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana loo kala
bedelay Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow iyo Mudane Maxamed Cali Xaggaa oo ahaa
Wasiiru Dowlihii Wasaaradda. Madax kala duwan ayaa ka hadlay munaasabad kooban
oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyagoo ku dheeraaday qiimaha
ay bulshadu u leedahay ururka.
Prime Minister @HamzaAbdiBarre oversaw today the handover ceremony of the Ministries of Planning, Foreign Affairs, Interior Affairs, Education and Youth & Sports.#Somalia pic.twitter.com/lXzblHDIYU
— SNTV News (@sntvnews1) August 13, 2022
Comments
Post a Comment