Magaalada Tunis, Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa la kulmay Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, oo ay ka wada hadleen xiriirka iyo wadashaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xoojinta xasiloonida siyaasadeed iyo amniga.
Bishii April ee sannadkii hore, Moussa Faki Mahamat,
oo ah hoggaamiyaha guddiga Midowga Afrika, ayaa ka dhawaajiyay inuu ka
walaacsan yahay ceyrinta Ambassador Francisco Madeira, oo ahaa safiirkii
Midowga Afrika ee Somalia, kaddib go’aan uu gaaray ra’iisul wasaarihii hore ee
Somalia.
Rooble waxa uu sheegay in Madeira uu u dhaqmayo qaab
aan waafaqsanayn mowqifkiisa diblomaasiyadeed. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo
waagaas, Danjire Madiera uma shaqeynin qaranka, Midowga Afrikana ma uusan
magacaabin beddelka.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza CabdiBarre oo khudbad ka jeediyay shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika
(TICAD) ee ka socda magaalada Tunis ayaa sheegay in xasilloonida iyo amniga ay
lagama maarmaan u yihiin in la gaaro horumar bulsho iyo isku filnaansho
dhaqaale.
Ka sokow shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta
Afrika, waxa uu sidoo kale kulamo kula yeeshay Tunis Ra’iisul Wasaaraha
Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, iyo Wasiirka Arrimaha
Dibadda Japan, Yoshimasa Hayashi.
Prime Minister @HamzaAbdiBarre met with the Chairperson of the #African Union Commission, Moussa Faki Mahamat — on the margins of #TICAD8 summit in #Tunis. They discussed ways to deepen the partnership between the #AU & #Somalia in the political, security & humanitarian areas. pic.twitter.com/gTmFAEztva
— SNTV News (@sntvnews1) August 29, 2022
Comments
Post a Comment