Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 1-da Ogosto oo ku beegan sannadguuradii 24-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska dawladda Puntland ka furay magaalada Garoowe afar mashruuc. Mashaariicdan waxaa ka mid ah wadooyin iyo sidoo kale qorshayaasha cagaarka, nalalka, iyo qorsheynta magaalooyinka.
Mashaariicda lagu hormarinayo caasimadda oo uu
xariga ka jaray madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka mid ah;
·
Xarig jarka Waddada laamiga ee cusub ee
jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.
·
Dhaggax dhigga dayactir lagu sameynayo qeybtii
hore u dhisneyd Waddada jidka 30-ka.
·
Qorshaha magaalada ee hagaajinta iftiinkeeda iyo
muuqaalkeeda.
· Qorshaha naqshadeynta magaalooyinka.
— H.E Said Abdullahi Deni (@HESaidDeni) August 1, 2022
Mudane Syed C/llaahi Deni ayaa warbixin guud ka
bixiyay howlaha wax soo saarka leh ee hadda socda, wuxuuna muujiyay in dowladdu
ay waqti iyo juhdi badan gelisay horumarinta adeegyada bulshada iyo sidoo kale
dhismaha waddooyinka.
As part of the events to mark the 24th Anniversary of Somalia’s #Puntland State, the region’s President Said Deni has launched four projects in #Garowe town including asphalt-paved roads.#Somalia pic.twitter.com/uEejhBErUs
— SNTV News (@sntvnews1) August 1, 2022

Comments
Post a Comment