Macluul ba’an oo ka jirta gobolka Geeska Afrika ayay hay’adaha Qaramada Midoobay saadaaliyeen, taasoo ka dhalatay abaarta daba dheeraatay ee deegaankaas. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, gaajada ayaa mararka qaar ka sii dareysa, waxaana gobollada ugu daran ay ka jiraan qeybo ka mid ah Soomaaliya oo aysan ka di’in roobabkii loo baahnaa muddo afar sano ah.
Sida lagu sheegay warbixin hore oo ay soo saartay Hay’adda
Cunnada Adduunka ee WFP, 22 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, Kenya, iyo
Soomaaliya ayaa la ildaran abaaro iyo gaajo daran. Si ay u raadiyaan cunto ay
cunaan iyo meel ay xoolahoodu daaq iyo biyo uga helaan, todoba milyan oo qof
ayaa laga saaray guryahoodii.
Waxa ay noqoneysaa sanadkii shanaad oo xiriir ah oo
aan weli la helin roobabkii la saadaaliyay, waxaana hay’adda cunnada adduunka
ee WFP ay ka digtay kororka tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee gaajo u
dhimanaya. Illaa 416 milyan oo dollar, sida ay sheegtay WFP, ayaa si degdeg ah
loogu baahan yahay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu
saameeyeen illaa dhammaadka sanadkan.
Ka dib safar uu dhawaan ku tagay Soomaaliya iyo
Waqooyiga Kenya, Michael Dunford oo ah madaxa WFP ee Bariga Afrika ayaa walaac
ka muujiyay in ka badan 7 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ka jira
halkaasi. Tani waa xaalad bini'aadantinimo tii ugu xumayd ee uu arkay 21 sano
oo uu WFP la shaqaynayay.
22 million people across #Ethiopia, #Kenya and #Somalia are struggling to find enough food to eat.
— WFP UK (@WFP_UK) August 23, 2022
WFP Director East Africa @micdunford explains the impact of widespread hunger and back-to-back droughts in the region. via @bbcworldservice
Read more 👉https://t.co/P9sbme7DHp pic.twitter.com/NgFFhDAK9d
Comments
Post a Comment