Iyada oo qayb ka ah kaalmada dhinaca amniga ee ay siiso Soomaaliya, dawladda UK ayaa ogolaatay £2.3 milyan oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ciidamada milateriga Soomaaliya.
Kulan ay Muqdisho kula qaadatay Wasiirka
Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Kati Foster oo ah
Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday kaalmadan lacageed. Si
Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegto howlgalka nabad ilaalinta ee
ATMIS sanadka 2024, UK waxa ay dowladda Soomaaliya kala kaashaneysaa dib u
dhiska ciidamada xoogga dalka.
Bishii May, Wasiirka Difaaca UK ayaa booqasho ku
yimid Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ammaanka dalka iyo xasilloonida gobolka ay
sii kordhinayaan dadaallo iskaashi. Wasiirka ayaa sheegay in UK ay ka go’an
tahay horumarinta xasiloonida gobolka oo ay ku jirto tan Soomaaliya.
The Defence Minister @Amohamednur has on Wednesday met with #UK ambassador to Somalia @KFosterFCDO and discussed security cooperation between the two countries. Ambassador Kate has announced additional £2.3 million to support Somali Army.#Somalia pic.twitter.com/jPFLusmUD7
— SNTV News (@sntvnews1) August 17, 2022
Comments
Post a Comment