Wasiirada Maaliyada ee maamul goboleedyada ayaa shaaca ka qaaday sababta ay u joojiyeen la shaqeynta dowladda.
Xalay ayay ahayd markii waaxyaha maaliyadda dowlad
goboleedyada ay go’aan ku gaareen in ay joojiyaan wada shaqeyntii ay la
lahaayeen wasaaradda maaliyadda ee dowladda Soomaaliya. Axmed Maxamed Xuseen
Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xogta rasmiga ah ee
arrintan ka warbixiyay.
Sida uu sheegay Wasiir Axmed, Wasaaradda Maaliyadda
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay wada shaqeyntii ay la lahayd
Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada, taasi oo ka dhalatay tallaabada
uu qaaday Wasiirka cusub.
"Waxaan walaac ka qabnaa hannaanka wada shaqeyn
ee dowladda Federaalka khaas ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo dhinac martay
hannaan lagu shaqeynayay oo lagu heshiiyay, Wasaaradaha Maaliyadda kama
shaqeeyaan siyaasadda balse waxa ay xoogga saaraan hagaajinta maaliyadda iyo
deyn cafinta. Wasiirka cusub ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka waxaan ka
dareenay oo aan ku aragnay in uu si toos ah u baalmaray waxyaabihii aan ku
heshiinay, isaga oo aan shaqada la qabsan ayuu gacan bidixeys ku sameeyay
maamul goboleedyada, waxaana jira heshiisyo qoran oo gudaha iyo dibadda aan
kula galnay dowladda Federaalka” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed
Axmed Maxamed Xuseen.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa
sidoo kale sheegay in Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu
keligiis u baxay shaqadii loo baahnaa in uu kala tashado dowlad goboleedyada
dalka, isagoo aan tixgalin u sameyn Wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad
goboleedyada dalka, isla markaana aan la tixgalin. taasina waxay keentay in ay
joojiyaan Wasaaradaha Maaliyadda ee dawlad goboleedyada dalka. wada shaqayn
dhexmarta dawladda dhexe ee dalka iyo wasaaradeeda maaliyadda.
Comments
Post a Comment